Dowladda federaalka oo ka hadashay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Baydhabo

Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka xoogga dalka ay saaka ka hortageen weerar ay magaalada Baydhabo kusoo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamo ay dowladdu ku tilmaantay inay taabacsan yihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, C/casiis Laftagareen.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay beegsadeen fariisimo ay ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin gudaha magaalada, iyagoo adeegsanayay gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka qaaday ayaa halkaas ku dhexmaray iska horimaad culus, waxaana wasaaradda gaashaandhigga ay sheegtay in ku dhowaad 30 maleeshiyaad ah lagu dilay dagaalka, halka qaar kalena nolol lagu qabtay.

Sidoo kale, ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay wateen kooxihii weerarka soo qaaday.

Ciidamada dowladda ayaa dagaalka kadib bilaabay hawlgallo culus oo lagu xaqiijinayo amniga goobihii uu dagaalka ka dhacay.

Ugu dambeyn, dowladda federaalka ayaa sheegtay in xaaladda Baydhabo ay haatan tahay mid deggan, iyadoo ciidamada amniga ay gebi ahaan magaalada ka saareen kooxihii weerarka soo qaaday, isla markaana ay sii wadaan hawlgallada lagu sugayo ammaanka.

Dowladda federaalka oo ka hadashay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Baydhabo