Agaasinka guud ee waxbarashada gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026, iyadoo 44,017 arday ay ku guuleysteen imtixaanka, halka 1,435 kale ay ku dhaceen.
Imtixaanka ayaa waxaa u fariistay 45,452 arday oo dhigata dugsiyada gobolka Banaadir, waxaana tirada ku dhacday ay noqdeen 3.2% marka loo eego guud ahaan ardaydii imtixaanka gashay.
Sumayo Xasan Abshir Aadan ayaa kaalinta koowaad ka gashay imtixaanka dugsiyada dhexe ee gobolka Banaadir, iyadoona Balqiisa Maxamed Cumar Maxamed ay gashay kaalinta labaad, halka Axmed C/naasir C/laahi Cabdi uu galay kaalinta saddexaad.
Ardayda kaalmaha hore galay ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarinno lagu dhiirrigelinayo dadaalkooda iyo guusha ay ka gaareen waxbarashada.
Munaasabadda natiijada lagu shaaciyay waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir, agaasinka waxbarashada gobolka iyo mas’uuliyiin ka tirsan bahda waxbarashada.
Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay munaasabadda ayaa hambalyo u diray ardayda ku guuleysatay imtixaanka, iyagoo u rajeeyay inay sii wataan waxbarashada oo ay gaaraan heerar sare.
Si kastaba ha ahaatee, natiijada sanadkan ayaa muujinaysa in inta badan ardaydii u fariisatay imtixaanka ay gudbeen, iyadoo imtixaanka Fasalka 8-aad uu yahay marxalad lagu qiimeeyo heerka waxbarasho ee ardayda dhammaysatay dugsiga dhexe ee Gobolka Banaadir.