Golaha shacabka oo dardar-gelinaya howlaha sharci-dejinta iyo ajandayaasha kalfadhiga 8-aad

Kulanka baarlamaanka uu shir-guddoomiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac)

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, iyadoo kulanka uu shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, C/laahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha sharci-dejinta iyo diyaarinta arrimaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Shacabka inta lagu guda jiro kalfadhiga 8-aad.

Guddoomiyeyaasha guddiyada Golaha ayaa Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay sharciyada iyo hindisayaasha ay gacanta ku hayaan, iyagoo faahfaahin ka bixiyay heerarka kala duwan ee ay marayaan iyo howlaha weli u baahan in la dhammeystiro.

Xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa sidoo kale ka hadlay ajandayaasha kulamada guud ee toddobaadka soo socda ay yeelanayaan xildhibaannada Golaha Shacabka, kuwaas oo si wadajir ah loo ansixiyay.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ku boorriyay guddiyada inay sii xoojiyaan shaqada loo igmaday, gaar ahaan diyaarinta iyo dardargelinta howlaha sharci-dejinta iyo kormeerka hay’adaha dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo howlaha Golaha Shacabka, iyadoo mudnaanta la siinayo in ajandayaasha iyo shaqada sharci-dejintu u socdaan si nidaamsan, hufan oo waafaqsan waajibaadka dastuuriga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.