Maamulka Koonfur Galbeed oo magaalada Baydhabo kusoo bandhigay 53 maxbuus

Maamulka Koonfur Galbeed oo magaalada Baydhabo kusoo bandhigtay 53 maxbuus

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo kusoo bandhigay 53 maxbuus oo uu sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamadii C/casiis Laftagareen, kuwaas oo lagu qabtay dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay gudaha magaalada, iyadoo maxaabiista hal goob lagu soo bandhigay laguna xiray dhar isku mid ah.

Munaasabadda lagu soo bandhigay maxaabiista waxaa goob joog ka ahaa wasiirrada amniga iyo warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiil ka tirsan ciidamada, iyadoo maamulka uu sheegay in maxaabiistan lagu qabtay intii uu socday dagaalkii Baydhabo.

Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dagaalkii Baydhabo ka dhacay 17-kii bishan uu ahaa mid murugo leh, isagoo xusay in dhacdadaasi ay muujisay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadgelyada, midnimada iyo haybadda dowladnimada.

Wasiir Nuur Siidow ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Koonfur Galbeed ay leedahay dulqaad dowladnimo, balse uusan dulqaadkaasi ka dhignayn daciifnimo, isagoo intaas ku daray in nabaddu aysan ahayn tabar-darro, balse ay tahay mas’uuliyad ay dowladdu u qaaday ilaalinta shacabka reer Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha ahaatee, soo bandhigista maxaabiistan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo magaalada Baydhabo ay weli ka jirto xaalad amni oo ka dhalatay dagaalladii dhowaan ka dhacay magaalada, halka maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay inuu sii wado dadaallada lagu xaqiijinayo amniga.