Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo ajandaha kulanka uu xoogga saarayo xoojinta amniga gudaha, horumarinta hay’adaha amniga iyo adkeynta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.

Shirweynaha waxaa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, saraakiil ciidan, mas’uuliyiinta amniga ee maamul goboleedyada, khubaro ku takhasustay arrimaha amniga iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.

Ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka, C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa kamid ah mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee ka qeybgalaya shirka, waxaana la filayaa inuu ka hadlo muhiimadda amniga, marxaladihii kala duwanaa ee dalka uu soo maray iyo waajibaadka hay’adaha amniga xilligan.

Doodaha shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo sii xoojin lahaa isku-xirka hay’adaha amniga, loo horumarin lahaa awooddooda iyo sidii loo heli lahaa hannaan mideysan oo si wadajir ah uga jawaaba caqabadaha amni ee dalka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in kulamada shirka lagu soo bandhigo talooyin iyo qorshayaal lagu horumarinayo laamaha amniga, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta shacabka, xasilloonida dalka iyo dhisidda hay’ado amni oo leh awood iyo isla-xisaabtan.

Si kastaba ha ahaatee, shirweynahaan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha lagu sugayo amniga gudaha Soomaaliya.