Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in dalkiisu u baahan yahay marin u gaar ah inuu ka helo Badda Cas

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in dalkiisu u baahan yahay marin u gaar ah inuu ka helo Badda Cas

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ku adkaystay in dalkiisu u baahan yahay marin u gaar ah oo uu ka helo Badda Cas, xilli dalalka ku teedsan xeebaha baddaasi ay ku adkaysanayaan in maamulka iyo amniga Badda Cas ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay dalalka xeebaha leh.

Abiy Axmed ayaa hadalkaan jeediyay maalintii Isniinta ahayd, xilli uu xilka u dhaaranayay muddo xileedkiisa cusub oo shan sano ah, isagoo sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo marin-badeed ay yeelato.

Itoobiya ayaa lumisay marin biyeed toos ah oo ay ku lahayd Badda Cas sannadkii 1993-kii, kaddib markii Eritrea, oo xilligaas qayb ka ahayd Itoobiya, ay xornimadeeda qaadatay.

Hadalka Abiy Axmed ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan khilaaf u dhaxeeya Itoobiya iyo qaar ka mid ah dalalka gobolka, gaar ahaan Eritrea, Masar iyo Suudaan.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan kasoo horjeedin in Itoobiya ay marin u hesho Badda Cas iyadoo adeegsanaysa dhulka Soomaaliya, balse waxay tilmaantay in arrintaasi u baahan tahay heshiis iyo wada-hadal rasmi ah oo labada dal dhex mara.

Si kastaba ha ahaatee, Masar, Eritrea, Suudaan iyo Soomaaliya ayaa hore u sheegay in maamulka iyo amniga Badda Cas ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay dalalka ku teedsan xeebaha, taasoo muujinaysa xasaasiyadda sii kordheysa ee ku aaddan dalabka Itoobiya ee marin-badeedka.