Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa shaaciyay taariikhaha la qorsheeyay in la qabto doorashada xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha dalka, kuwaas oo ku beegan bilaha Abriil iyo May ee sannadka 2027.
Sida lagu caddeeyay war-saxaafadeedka guddiga, doorashada xildhibaannada labada aqal ayaa loo qorsheeyay 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay dhici doonto 15-ka May isla sannadkaas.
Guddigu wuxuu sheegay in jadwalka doorashada baarlamaanka lagu saleeyay qodobka 18-aad, faqraddiisa labaad, ee sharciga doorashooyinka qaranka, kaas oo dhigaya in taariikhda codbixinta la cayimo 180 maalmood ka hor maalinta doorashada.
Ugu dambeyn, taariikhda doorashada madaxweynaha ayaa lagu saleeyay qodobka 112-aad ee dastuurka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in muddada xil-haynta madaxweynuhu tahay shan sano, laga bilaabana maalinta xilka loo dhaariyo.

