Deni oo baaq degdeg ah kasoo saaray xaaladda uu marayo dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni

Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni, ayaa baaq degdeg ah kasoo saaray xaaladda uu marayo dalka isagoona ku baaqay in dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya ay si degdeg ah isugu yimaadaan, si heshiis looga gaaro khilaafka doorashooyinka, loogana hortago xaalad uu sheegay inay halis gelin karto dowladnimada dalka.

Deni oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 59-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu diiday doorasho heshiis lagu yahay, isla markaana uu caqabad ku yahay wada-hadallada lagu raadinayo is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Wuxuu ku adkeystay in xal waara lagu gaari karo hannaan doorasho oo ay wada aqbalaan dowladda federaalka, mucaaradka iyo maamul-goboleedyadu, isaga oo ku baaqay in kulan degdeg ah laga yeesho xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Dowladda federaalka ayaa hore u shaacisay in doorashada labada aqal ee baarlamaanka la qaban doono 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha loo asteeyay 15-ka May 2027.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmayaa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo weli la isku khilaafsan yahay heshiisyada siyaasadeed iyo habka loo wajahayo doorashooyinka heer federaal.