SAWIRO:- Ciidamada PSF-ta Puntland oo gacanta ku dhigtay ajaanib ka tirsan kooxda Daacish

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya howlgal ay sameeyeen ciidamada PSF-ta Puntland lagu soo qabtay seddax nin oo ka tirsan kooxda Daacish, kana soo jeeda qowmiyada Oromada ee degta dalka Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada PSF-ta Puntland ayaa lagu sheegay in seddaxdaan nin lagu qabtay dhulka buuraleyda TIMIRO ee gobolka Bari, xilli ay doonayeen inay SAHAY iyo QALAB CIIDAN u geeyaan xubno ka tirsan kooxda Daacish.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in nimankaan la qabtay ay qeyb ka yihiin 7 nin kale oo xogtooda hore loo haayay, kuwaas oo la ogaaday inay katirsan yihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraleyda gobolka Bari.

Ugu dambeyntii, baaritaan dheer kadib ayaa la sheegayaa in seddaxdaasi nin ay afkooda ka qirteen inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, iyagoona sheegay inay SAHAYDA iyo AGABYADA kale oo ay u baahan yihiin kooxdaasi u gudbin jireen.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan deegaanada ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan xubno ka kala tirsan Al-shabaab iyo kooxda Daacish, kuwaas oo weeraro ku qaada ciidanka Puntland.