Dr Ibraahim Aadan Muuse oo waraaqihii aqoonsiga ergeynimo laga guddoomay

Ergeyga cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya u fadhin doonna ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ee (OIC) Dr. Ibraahim Aadan Muuse ayaa waraaqaha aqoonsiga ergeynimo u gudbiyay xoghayaha guud ee ururkaasi Danjire Xuseen Ibraahim (Daha).

Munaasabadda gudbinta iyo guddoonka waraaqaha aqoonsiga oo ka dhacday xarunta ururka ee magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen baahida loo qabo sidii loo horumarin lahaa siyaasadda iyo istiraajiidiyadda uu ururka (OIC) ugu talo galay xaqiijinta himilooyinka dunida islaamka.

Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga dalalka Islaamka ee (OIC)  Danjire Xuseen Ibraahim (Daha) ayaa sheegay in maamulka sare ee ururka ay gacan weyn ku siin doonaan xilka loo soo magacaabay Dr. Ibraahim Aadan Muuse.

Danjiraha cusub ee dowladda Soomaaliya u magacaawday ururka OIC Dr. Ibraahim Aadan Muuse ayaa dhankiisa u mahad celiyay xoghayaha guud ee ururkaasi, sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyay ururka, isaga oo ballan qaaday inuu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka wanagsan oo ay Soomaaliya la leedahay ururka.

Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa waxaa ku midoobay illaa 57 dal oo ah dalalka Islaamka, waxaana la aas’aasay sanadkii 1996-kii, iyada oo Soomaaliya laheyd fikradii ururkaasi lagu sameeyay.