DEG DEG:- Mid ka mid ah darawalada mooto Bajaajta oo goordhaw lagu dilay xeebta Liido

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ku dilay mid ka mid ah darawalada ku shaqeeysata mooto Bajaajta, xilli uu doonayay inuu caruurtiisa halkaasi geeyo.

Dad goob-joogeyaal oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in askariga dilka geystay uu si ula kac ah rasaas ugu furay ninka darawalka ah, kadib markii labadooda muran soo kala dhex-galay.

Ninka darawalka ee a dilay ayaa la sheegayaa inuu ka madax adeegay amar uu bixiyay askariga, taas oo keentay in goobtaasi lagu dilo.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegayaa inuu goobta isaga baxsaday, waxaana markii dambe goobta laga qaaday meydka darawalka la dilay.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan askarta ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa si ula kac ah dil u geysta darawalada ku shaqeysta mooto Bajaajta, iyadoona illaa iyo haatan aysan jirin cid arrinkaasi wax ka qabatay.