Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta shaaciyay in laga helay feyraska cudurka COVID-19

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay wararka sheegaya in laga helay feyraska cudurka COVID-19.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in baaritaano kala duwan lagu sameeyay markii uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, islamarkaana la xaqiijiyay in laga helay feyraska cudurka COVID-19.

“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaagayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu haatan caafimaad qabo, islamarkaana uu sii wadi doonno shaqada uu u haayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed, isagoona dhinaca kale u mahad-celiyay umadda Soomaaliyeed.

“Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doonno shaqada aan u haayo qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xiriira COVID-19, waadna ku mahadsan tihiin ducadiina iyo garab-istaaggiinna – Allaa Mahad Leh” Ayuu qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa kullamo kala duwan la qaatay dhiggiisa dalkaasi Sheekh Maxamed Binu Zayed, waxayna labada dhinac ka wada hadleen xiriirka labada dal, fududeynta isu socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada dhinac.