Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Baydhabo kusoo xiray shirka wadatashiga golaha wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo socday muddo saddex maalmood ah.
Shirka oo ay ka qeyb galeen xubnaha golaha wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed iyo khubaro ka socotay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa diiradda lagu saaray horumarinta hoggaaminta hufan, tayeynta adeegyada bulshada iyo dejinta qorshayaal lagu xoojinayo shaqada maamulka.
Sidoo kale, shirka ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay mideynta qorshayaasha shaqo ee wasaaradaha, dardargelinta hirgelinta barnaamijyada mudnaanta leh, xoojinta isla xisaabtanka, sare u qaadidda hufnaanta maamulka iyo kobcinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe oo shirka ka hadlay ayaa ku bogaadiyey golaha wasiirrada sida firfircoon ee ay uga qeyb qaateen doodaha iyo qorsheynta, isagoo sheegay in natiijooyinka kasoo baxay shirka ay saldhig u noqon doonaan dardargelinta howlaha maamulka iyo gaarsiinta shacabka adeegyo tayo leh.
Ugu dambeyn, Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku amray dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha maamulka inay si mideysan u hirgeliyaan qorshayaashii lagu heshiiyey, iyadoo mudnaan la siinayo adeegyada bulshada, horumarinta maamulka, sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta isla xisaabtanka.
Si kastaba ha ahaatee, shirka wadatashiga golaha wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo beegmaya xilli maamulku uu xoogga saarayo hagaajinta hannaanka maamulka, isku-duwidda shaqada hay’adaha iyo dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee loogu adeegayo bulshada.