Madaxweynaha maamul goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, C/qaadir Axmed Cali Firdhiye, ayaa si kulul uga hadlay xildhibaanno ka tirsanaa baarlamaanka maamulkiisa oo dhawaan ku biiray dhinaca Somaliland, isagoo sheegay in tallaabadooda ay tahay mid dhaawacaysa kalsoonida shacabka Waqooyi Bari, balse aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin jiritaanka maamulka.
Madaxweyne Firdhiye ayaa sheegay in bishii Maarso ee sanadkan uu guddoonka baarlamaanka ku wargeliyay xog la xiriirta in qaar ka mid ah xildhibaannada ay qorsheynayeen inay ku biiraan dhinaca Somaliland, hase yeeshee aan markaas la qaadin tallaabo degdeg ah, maadaama arrinta xil ka qaadistu ay dhalin kartay muran siyaasadeed.
Waxa uu sheegay in bixitaanka xildhibaannadaasi uu maamulka u furayo fursad lagu soo xulo xubno cusub oo uu ku tilmaamay kuwo si dhab ah uga go’an difaaca danaha iyo himilooyinka Waqooyi Bari, islamarkaana xusay in xildhibaannada qaba tabashooyin siyaasadeed ay ahayd inay kusoo gudbiyaan gudaha hay’adaha maamulka, halkii ay uga bixi lahaayeen kuna biiri lahaayeen dhinaca Somaliland.
Sidoo kale, madaxweyne Firdhiye qiray in maamulka Waqooyi Bari uu weli wajahayo caqabado dhinaca horumarinta ah, isagoo tilmaamay in mashaariic badan aysan weli si buuxda u gaarin deegaannada maamulka, isagoona sheegay in arrintaasi aysan waxba u dhimayn sharciyadda maamulka, balse ay tahay marxalad ay hore u soo mareen dowlad-goboleedyo kale oo Soomaaliya ka jira.
Dhinaca kale, madaxweyne Firdhiye ayaa Somaliland ku eedeeyay inay waddo olole siyaasadeed iyo mid warbaahineed oo lagu wiiqayo maamulka Waqooyi Bari, islamarkaana sheegay in xubnaha ku biiray Somaliland aysan wax ka beddeli doonin jiritaanka maamulka, isaga oo uga digay Somaliland inay sii waddo faragelinta deegaannada maamulka.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya C/qaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay loollanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Waqooyi Bari iyo Somaliland, kaas oo salka ku haya maamulka deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag.