Golaha wasiirrada Soomaaliya oo yeeshay kulan looga hadlay amniga iyo geeddi-socodka doorashooyinka

Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga dalka, doorashooyinka madaxa-bannaan ee socda iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka fuliyeen deegaanno kala duwan, kuwaas oo lagu sheegay in lagu gaaray guulo amni oo muhiim ah isla markaana jab weyn lagu gaarsiiyay Al-shabaab.

Warbixinnada la horgeeyay golaha ayaa sidoo kale lagu eegay xaaladda guud ee amniga dalka iyo dadaallada ay hay’adaha amniga ku wadaan xoojinta nabadgelyada, iyadoo dowladda ay sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Golaha wasiirrada ayaa intii uu kulanku socday ansixiyay hindise-sharciyeedka diiwaangelinta iyo rukhsad-siinta ganacsiyada, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu nidaaminayo ganacsiyada iyo horumarinta adeegyada la xiriira maamulka ganacsiga dalka.

Sidoo kale, golaha ayaa meel mariyay heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya agaasinka guud ee arrimaha diinta ee madaxtooyada Turkiga iyo wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Islaamka ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada arrimaha diinta.

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo la xiriira amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo hirgelinta hannaanka doorashooyinka, kuwaas oo ay sheegtay inay muhiim u yihiin xasilloonida iyo horumarka dalka.