Dowladda federaalka oo shaacisay in mashaariic horumarineed ay ka hirgelinayso Hargeysa

Dowladda federaalka oo shaacisay in mashaariic horumarineed ay ka hirgelinayso Hargeysa

Wasiirka howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta ee dowladda federaalka Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa sheegay in dowladda ay hirgelinayso mashaariic horumarineed oo isugu jira dhismaha waddooyin iyo buundooyin magaalada Hargeysa, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in mashruuca laga fulinayo Hargeysa uu ka kooban yahay waddo dhererkeedu yahay 45 kiiloomitir, iyadoo wejiga koowaad laga hirgelinayo 23 kiiloomitir, iyo sidoo kale dhismaha buundada Boqol-jire, isagoona sheegay in mashruucan lagu qiyaasay inuu ku kacayo ku dhawaad 20 milyan oo doollar.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaan uu qeyb ka yahay mashruuca NAGAAD, oo ay dowladda federaalka Soomaaliya iska kaashanayso hay’adda UNOPS iyo Bangiga Adduunka, isagoo xusay in mashruucan uu leeyahay miisaaniyad dhan 245 milyan oo doollar, taas oo loogu talagalay horumarinta kaabeyaasha magaalooyinka iyo adeegyada aasaasiga ah ee dalka.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in mashaariic kale oo lagu horumarinayo waddooyinka laga fulin doono maamul goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Puntland, iyadoo Hargeysa ay ka mid tahay goobaha ugu horreeya ee laga hirgelinayo qorshahaan.

Si kastaba ha ahaatee, mashruuca NAGAAD ayaa dowladda federaalka Soomaaliya u qorsheysan inay ku horumariso kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku xirka magaalooyinka, iyadoo fulintiisa ay taageerayaan Hay’adda UNOPS iyo Bangiga Adduunka.