Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Munaasabad aad u ballaaran oo xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah xilka kula wareegay agaasimaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud iyo labadiisa ku-xigeen, kuwaas oo dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Agaasimihii hore ee madaxtooyada Maxamed C/laahi Ciise oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegay in agaasimaha cusub ay ku wareejiyeen deyn lagu lahaa madaxtooyada, feylal ay ku qoran yihiin hantida madaxtooyada, shaqaalaha iyo hanaanka shaqo ee madaxtooyada qaranka, isagoona mas’uuliyiinta cusub Alle uga baryay in howsha loo magacaabay ay si wanaagsan u gutaan.

Dhinaca kale, agaasimaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahad-celiyay agaasimihii hore Maxamed C/laahi Ciise shaqadii wanaagsaneyd ee uu kasoo qabtay madaxtooyada xilligii uu xilkaasi hayay, isagoona sidoo kale soo bandhigay qorsheyaasha cusub ee ku aadan horumarinta howlaha hortabinta u leh madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, agaasimaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaan qofna lagu dulmin doonin shaqada, isagoona dhinaca kale xusay in howlwadeennadu ay abaalmarino ku muteysan doonaan dadaalkooda.