Abaartii ugu darneyd ebed oo ka jirta deegaano ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya

Abaaro baahsan ayaa laga soo sheegayaa inay ka jiraan deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolo ka tirsan maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, iyadoona abaartaasi ay boqolaal qof ku xoolo beeleen.

Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo oo ka kala tirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto abaartii ugu darneyd ebed oo ka dhacda gobolada dalka Soomaaliya, iyadoona maalmihii lasoo dhaafay ay xoolo badan ku dhamaadeen.

Guddiga gurmadka abaaraha oo ka warbixiyay abaarahaasi ayaa sheegay in abaarta jirta ay si weyn u sameeysay ku dhawaad 70 degmo oo ka mid ah degmooyinka gobolada Soomaaliya, iyadoona illaa iyo haatan aysan jirin cid arrinkaasi wax ka qabatay.

Si kastaba ha ahaatee, abaaraha ka jira gobolada Koonfurta Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay ugu badan yihiin biyo la’aan iyo cunto yari lagu qiyaasayo inay gaartay ku dhawaan 7 milyan, iyadoo bilaha soo socda laga cabsi qabo inay tiradaasi kasii badato.