Mid ka mid ah askarta illaalada guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu dilay

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho ku dilay mid ka mid ah askarta illaalada gaarka ah ee guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish).

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Xuseen Abuukar Nuur, ayaa sida la sheegay lagu dilay afaafka hore ee dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa la sheegay in dilkiisa uu yimid kadib markii uu murun soo kala dhex-galay isaga iyo askariga dilka u geystay, balse aanan la ogeyn waxa uu murankaasi ahaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona goobta ka qaaday meydka marxuumka la dilay.

Illaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) oo uu uga hadlayo dilka loo geystay mid kamid ah illaaladiisa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muddooyinkii ugu dambeysay magaalada Muqdisho kusoo badanaya dilalka ay ciidanka dowladda Soomaaliya u geysanayaan dadka shacabka ah iyo ciidanka kale ee isla dowladda ka tirsan, mana jiro wax ay laamaha ammaanka dalka ka qabteen arrintaan.