Nabadoon caan ah oo lagu dilay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dishay Nabadoon Cali Maxamed Maxamuud (Cali Dheere), oo ka mid ahaa waxgaradka sida weyn looga yaqaanay magaaladaas.

Nabadoonka ayaa la sheegayaa in la dilay xilli uu kasoo baxay salaadii cishaha, islamarkaana kusii jeeday gurigiisa oo ku yaallo xaafadda Xaawo Taako ee magaalada B/weyne.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegayaa inay isaga baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen, waxaana halkaasi markii dambe soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka magaalada B/weyne oo howlgalo baaritaano ah halkaasi ka sameeyay.

Illaa iyo haatan ma jirto cid loo soo qabtay dilka nabadoonka, iyadoona maamulka gobolka Hiiraan iyo laamaha amniga ee magaalada B/weyne aysan weli ka hadlin dilka nabadoonkaas.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muddooyinkii ugu dambeysay faraha kasii baxay ammaanka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoona marar badan hore halkaasi lagu dilay odayaal dhaqameedyo iyo dad kale oo bulshada dhexdeeda magac ku lahaa.