Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti oo xukun ku riday mas’uuliyiin xilal sare kasoo qabtay dalkaas

Wararka naga soo gaaraya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in maxkamad ku taalla dalkaasi ay min 3 sano oo xarig ah ku xukuntay wasiirkii hore ee miisaaniyadda Jabuuti Bodeh Axmed Rooble iyo Taliyihii hore ee ciidanka booliska dalkaasi Korneel C/laahi Cabdi Faarax.

Labadaasi qof ayay maxkamaddu ku eedeysay inay si sharci darro ah u iibsadeen cod sir ah oo la duubay.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa min 5 sano oo xarig ah ku xukuntay Yabeh Saciid Geldoon iyo Ibraahim Cabdi Geelle oo iyaguna lagu eedeeyay in codkaasi sirta ahaa ay dad kale lasii wadaageen.

Illaa iyo haatan lama oga cidda sida rasmiga ah ee codka looga duubay, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in codkaasi sirta ah ee la duubay uu ahaa mid u dhaxeeyay madaxweynaha Jabuuti ee Ismaaciil Cumar Geelle iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka dalkaas.