Madaxweyne Xasan Sheekh “Dastuurka inta uu qabyo naga yahay, siyaasad ahaan heshiis ma nihin”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii xalay ka qeyb galay munaasabad lagu abaal-marinayay guddiyadii kasoo shaqeeyay doorashadii dalka ayaa ka hadlay arrimo badan oo uu maamulkiisa wax ka qaban doonno.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasabadaasi ayaa marka hore ku ammaanay guddiyadii doorashooyinka shaqadii wanaagsanayd oo ay dalka kaga soo gudbiyeen marxaladdii doorashada.

Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in waxyaabaha ugu horeeya uu maamulkiisa fullin doonno ay noqon doonaan meel marinta dastuur la isku waafaqsan yahay oo ay heshiis ku yihiin bulshada Soomaaliyeed.

“Dastuurka inta uu qabyo naga yahay, siyaasad ahaan heshiis ma nihin, maalinta aan dastuurka ku heshiino ayay siyaasadeenu heshiis noqon doontaa, meeshaas ayaana u soconnaa ee nagu taageera” Sidaas waxaa yiri Xasan Shiih Maxamuud.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballan-qaaday in doorashada 2026-ka ee madaxweynaha aanan dib loogu noqon doonin Teendhada Afisiyooni oo ay hore uga dhaceen doorashooyinkii hore ee madaxweynaha.

“Qofkii ay doortaan shacabka Soomaaliyeed unbaa dalka hoggaamin kara, marka umadda Soomaaliyeed hanagu taageerto 2026-ka inaan Teendhadii loo noqon, wixii dhacay lama illoobi karo, laakiin waa la iska cafin karaa” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ra’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ku ammaanay dadaalkii uu ku bixiyay doorashooyinkii ka dhacay dalka, islamarkaana kasoo gudbiyay marxaladdii kala guurka aheyd ee ka jiray.