Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo muddo kordhin u sameeyay howlgalka UNSOM

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo 5 bilood ah ugu daray muddo xilleedka howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), iyadoona qaraarkaasi ay si wadajir ah u ansixiyeen 15-ka xubnood ee golahaas.

Shaqada xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sii socon doonta illaa 31-ka bisha Oktoobar ee sanadkaan 2022-ka, wuxuuna qaraarkaan yimid kadib markii lasoo bandhigay baahida weyn ee xilligan loo qabo ballaarinta howlgalkaan.

Ansixinta kadib, golaha ammaanka ayaa ka codsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres inuu golaha si joogto ah ula socodsiiyo meel marinta qaraarkan muddo kodhinta ah loogu sameeyay howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Sidoo kale, waxaa Xoghaye Antonio Guterres laga dalbaday inuu wadatashi la sameeyo dowladda federaalka Soomaaliya, si dib u eegis loogu sameeyo shaqada xafiiska UNSOM ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, shaqada xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa la aas-aasay bishii 6-aad ee sanadka 2013-ka, si uu Soomaaliya uga taageero dhisidda iyo nabadeynta dalka.