Muwaadin Soomaaliyeed oo saqdii dhexe xalay lagu dilay goobtiisa ganacsi

Kooxo hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe xaafadda South Gate ee ku taalla magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo goob ganacsi halkaasi ku lahaa.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/casiis Axmed Saciid, waxaana xilliga la dilaayay la joogay labo dhalinyaro kale oo soomaali ah, balse dilka ka bad-baaday.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegayaa inay gudaha u galeen dukaanka uu ku sugnaa muwaadinka la dilay, waxayna kadib rasaas ku fureen marxuumka, kaas oo markii hore dhaawac halis ah soo gaaray, balse markii dambe dhaawacaasi u geeriyooday.

Allaha u naxariistee marxuumka geeriyooday ayaa kamid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhowrkii sano lasoo dhaafay goob ganacsi kulahaa dalka Koonfur Afrika, waxaana goobta isaga baxsaday kooxihii burcada ahayd ee dilka geysatay.