Golaha wasiirada oo ansixiyay magacaabista taliyaha cusub ee Nabad-sugidda Soomaaliya

Kullan aan caaddi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay magacaabista taliyaha cusub ee Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kullankaasi shir guddoominayay ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo kale oo ku saabsan miisaaniyadda dalka, waxayna wasiiradu ugu dambeyn ku ansixiyeen taliyaha cusub ee la magacaabay.

Mahad Maxamed Salaad oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ahaa xubnihii mucaaradka ahaa ee sida weyn uga soo horjeeday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.