Dowladda Imaaraadka oo dowladda Soomaaliya ku wareejisay lacag dhan 9.6 million dollar

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku wareejisay lacag gaaraysa 9.6 million dollarka Mareykanka ah, taas oo ay ugu tallo gashay gurmadka abaaraha shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo munaasabadda lacag wareejintaasi goobjoog ka ahaa ayaa dowladda Imaaraadka Carabtu uga mahad-celiyay kaalintooda ku aadan ugar-gaaridda shacabka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen.

Munaasabada lacag wareejinta oo ka dhacday xarunta bankiga dhexe Soomaaliya ayaa waxaa lagu wareejiyay wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, waxaana garab taagnaa ra’iisul wasaare Rooble.

Si kastaba ha ahaatee, todobaadkii hore ayay aheyd markii ra’iisul wasaare Rooble uu dowladda Imaaraadka dib ugu wareejiyay 9.6 million oo dollarka Mareykanka ah, taas oo ahayd lacag ay laamaha ammaanka Soomaaliya sanadkii 2018-ka ku qabteen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.