Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la kulmay Ergeyga Midowga Yurub ee geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho kullan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa ka wadahadlay dib usoo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo soo bandhigtay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay isgarab-taagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada mas’uul ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaaliya, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lasii amba-qaadi doono, lana horumarin doonno qorsheyaasha dib u habeynta hanaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhameystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta dalkeena.

Si kastaba ha ahaatee, Danjire Annette Weber ayaa ah mas’uulkii ugu sareeyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara dalkeenna tan iyo burburkii kadib, taas oo muujineysa sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dunida inteeda kale.