Dood ka dhalatay doorashada Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka oo ka hadlay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay kullan natiijo la’aan kusoo idlaaday oo u dhaxeeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo wakiil ka ah xisbiga Kulmiye iyo xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay jiraan qodobo gaar ah oo ay isku fahmi waayeen iyaga iyo madaxweynaha Somaliland oo wakiil ka ah xisbiga tallada haya ee Kulmiye.

“Waxyaabaha aan ula tagnay madaxweynaha ayaa ahaa, inuu carqaladda ka daayo doorashada islamarkaana uu faraha kala baxo Komishinka Doorashada oo ah mid madax-banaan, wuxuu madaxweynuhu u muuqdaa mid mugdi galinaya in doorashadu ay waqtigeedu ku dhacdo” Sidaasi waxaa yiri Xirsi Cali Xaaji.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaarabka ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isna sheegay in illaa 5 qodob ay la hor-tageen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wehliyeen xubno katirsan xisbigiisa Kulmiye, balse ay rajo beel kala kulmeen.

“Madaxweynaha aan caawa arkay, diyaar uma aha inuu qabto doorasho, waxa aan ula tagnay in doorashadu dhacdo 13-ka bisha November, oo ah waqtiga lagu ballamay, waxaan ula tagnay 5 qodob oo muhiim u ah doorashada, waxaana ka mid ahaa inaan la faragelin guddiga Komishinka, balse nasiib darro waxaan u tagnay madaxweyne careysan oo u muuqda inaan dulminay oo wax badan naga tirsanaya” Sidaasi waxaa isna yiri Faysal Cali Waraabe.

Si kastaba ha ahaatee, doodda ka taagan doorashada madaxweynaha Somaliland ayaa mid in muddo ah ka dhaxeeysay seddaxda xisbi ee Somalilland, kuwaas oo kala ah xisbiga tallada haya ee Kulmiye iyo labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID.