Faah-faahin:- Weerar lagu laayay caruur yar yar oo ka dhacay dalka Mareykanka

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa nin dhalinyaro ah oo da’diisa lagu sheegay 18 jir oo weerar culus ku qaaday Iskuul hoose oo ku yaalla magaalada Uvalde gobalka Texas ee dalka Mareykanka.

Ku dhawaad 20 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyootay weerarkaas, waxaana dadka geeriyooday 17 kamid ah ay ahaayeen caruurta dhiganeysay Iskoolkaasi, halka labada qof kalena ay ahaayeen macalimiin.

Ninka weerarka geystay oo magaciisa lagu sheegay Salvador Ramos ayaa la sheegayaa inuu isagane dhintay, kadib markii ay toogteen ciidamada booliska.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay caruurta weerarkaasi ku geeriyootay ay da’dooda u dhaxeeysay 7 ilaa 10 jiro, iyagoo dhiganayay fasallada labaad, saddexaad, iyo afaraad.

Dhinaca kale, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo si kulul u cambaareeyay weerarkaasi ayaa amar ku bixiyay in hoos loo dhigo calanka, isagoona sidoo kale shacabka dalkaasi ugu baaqay inay u ololeyaan wax ka qabashada hubka  sida fudud lagu helo gudaha dalkaasi.