Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xil u magacaabay C/raxmaan C/shakuur Warsame

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame u magacaabay Ergeyga gaarka ee u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya.

C/raxmaan C/shakuur oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa xilka loo magacaabay yimid kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh qiimeyn ku sameeyay dhibaatooyinka adag oo ay dadka Soomaaliyeed haatan kala kulmayaan abaaraha.

Sidoo kale, C/raxmaan C/shakuur ayaa loo xilsaaray inuu heer qaran, heer gobol iyo mid caalami ahba intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseeyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay C/raxmaan C/shakuur inuu Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda uu u igmaday, waxayna magacaabistaan kusoo beegmaysaa xili deegaano iyo degmooyin badan oo ka mid ah dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ballaaran ku yeeshay nolosha dadka iyo kuwa xoolahaba.