Ra’iisul wasaare Rooble oo shaqo joojin ku sameeyay wasiirka arrimaha dibadda C/saciid Muuse

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay wasiirka arrimaha dibadda C/saciid Muuse Cali, isagoona sidoo kale baabi’iyay warqad ay wasaaradda arrimaha dibadda ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xirnaa xeebaha dalka Cumaan.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale faray Hanti-dhowraha Qaranka iyo Laamaha amniga inay arrintaan baaritaan ku sameeyaan, maadaama uu khilaafsan yahay shuruucda qaranka iyo kuwa caalamka, khatarna ku yahay qaranka.