Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareegto uu soo saaray ku magacaabay mas’uuliyiin kale

Wareegto uu maanta soo saaray madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku magacaabay agaasime ku-xigeenka guud ee madaxtooyadda Maxamed Amiin Sheekh Cismaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa agaasime ku-xigeenka cusub Maxamed Amin Sheekh Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dar-daarmay inuu si hufan oo daacadnimo leh qaranka ugu adeego.

Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ah aqoon-yahan 2 shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isagoo ku takhasusay horumarinta dhaqaalaha, maareynta nabadda iyo ammaanka Afrika.

Wuxuu hore usoo noqday senator ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoomiyaha guddiga difaaca iyo amniga golaha Aqalka sare, isagoona sidoo kale safiir ku-xigeen kasoo noqday safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya.

Dhinaca kale,  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wareegto kale ku magacaabay la-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin oo ahaa guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, ee uu hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xuseen Macalin ayaa hore usoo noqday la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynihii xilka ka degay Maxamed C/laahi Farmaajo, balse markii dambe xilkaasi laga qaaday.