Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka agaasimaha guud ee madaxtooyadda u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Xuseen Sheekh Maxamuud uu tusaale u yahay doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu waqti badan ku bixiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aggaasimaha cusub Alle uga baryay inuu u fududeeyo gudashada waajibaadka horyaalla, waxa uuna agaasimihii hore ee madaxtooyada Maxamed C/laahi Ciise uga mahad-celiyay dadaalka uu bixiyay muddadii uu hayay xilkan.

Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo ku dhashay magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa hore usoo noqday senator ka tirsan golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu waxbarashadiisa aas-aasiga ah iyo Jaamacadda heerka 1-aad kusoo qaatay magaalada Muqdisho, isagoona waxbarashada heerka 2-aad ee Jaamacadda (Master Degree) ka diyaariyay daraasaadka horumarinta, halka uu haatan ku guddo jiro takhasuska PHD-ga ee nabadda iyo arrimaha dowliga ah.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabista agaasimaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa imaaneysa xilli muddo saacado kooban kahor uu madaxweyne Xasan Sheekh xilka si rasmi ah ugala wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.