Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Munaasabadda xil wareejinta oo maanta ka dhacday xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb-galay xildhibaano, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo goobta khudbad ka jeediyay ayaa ballan ku qaaday inuu la shaqeeyn doonno madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynow, aniga ka ahaateyda, waan ku garab-taaganahay, waxaan kaa ballan-qaadayaa inaa garab iyo gacan kugu siiyo heer-walbaba, Insha Allah waxaan kuu rajeeynaynaa inuu Ilaahay kuu fududeeyo” Sidaasi waxaa yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaciisa ugu mahad-celiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, sida nidaamsan ee uu xilka ugu wareejiyay, wuxuuna sheegay inay isla shaqeyn doonnaan islamarkaana wixii la tashi ah isugu imaan doonaan.

“Si tartiib oo nidaam ah ayuu madaxweynuhu iigu wareejiyey xilka, sidoo kale waan kala wareegay dukumintiyada iyo dhamaan mashaariicda faylasha waaweyn ee uu madaxweynuhu ka hadlay, si degan oo tartiib ah ayaa dib ugu aqrin doonnaa, wixii aan fahmi waayane waan isla joognaa” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi xilka ula wareegay ayaa wixii maanta ka dambeeya wuxuu si toos ah u guddo-geli doonnaa howlaha muhiimka ah ee horyaalla dowladda cusub ee uu hoggaanka u qabtay.