Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo ugu dambeyn maanta xukun lagu riday

Maxkamadda racfaanka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta 2 sano oo xabsi ah iyo 3 milyan oo lacagta Somaliland ah ku xukuntay Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo ay hore wax dambi ku weysay.

Wariye Coldoon oo lasoo xiray 19.08.2021, ayaa tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay wuxuu dhibane u ahaa xukuumadda Somaliland, maadaama uu in muddo ah xabsi ugu jiray sababo aan caddeymo rasmi ah loo hayn.

Ehelada C/maalik iyo mas’uuliyiin sar-sare oo xarigiisa si weyn kaga dhiidhiyay ayaa sheegay in loo xiray si sharci darro ah, iyadoo aan wax caddeymo ah jirin.

Xukuumadda Somaliland ayaa Wariye Coldoon ku eedeysay inuu faafiyay dacaayad qaran dumis iyo warar been abuur ah islamarkaana aflagaado u geystay siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Sidoo kale, C/maalik Muuse Coldoon ayaa loo haystay inuu warbixino liddi ku ah ka qoray dugsiga Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, taas oo keentay in xukuumadda Somaliland ay xabsiga dhigto.

Ugu dambeyntii, Wariye C/maalik Muuse Coldoon ayaa sidoo kale ahaa samafale u gar-gaari jiray dadka saboolka ah oo aan waxba haysan, iyadoona xukuumadda Somaliland ay si gardarro ah xabsiga ugu haysay tan iyo xilligii lasoo xiray oo ahayd 19.08.2021.