Hantidhawrka Qaranka oo ra’iisul wasaare Rooble ka dalbaday joojinta xeer la ansixiyay

Qoraal kasoo baxay xafiiska hantidhawrka Qaranka ayaa lagu wargeliyay ra’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, joojinta xeer-nidaamiyaha sharciga maareynta maaliyadda oo ay maalintii khamiista golaha wasiiradu ansixiyeen.

Qoraalka hantidhawrka Qaranka ayaa lagu sheegay in xeer-nidaamiyaha la ansixiyay uu ka jiro khaladaad sharci iyo qodobbo kasoo horjeeda sharciga maareynta maaliyadda guud (PFM Act 2019) iyo sharciga xafiiska hantidhawrka Qaranka, kuwaasi oo wiiqaya hannaanka loo maamulo islamarkaana loo kor-joogteeyo hantida ummadda.

Sidoo kale, waxaa qoraalka kasoo baxay hantidhawrka lagu caddeeyay in hore wasaaradda maaliyadda ay si sharci darro ah islamarkaana aan waafaqsaneynin habraacyada uu farayo sharciga u dhaqan-gelisay xeer-nidaamiyaha maareeynta maaliyadda guud.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirada xukuumadda KMG ee federaalka Soomaaliya ayaa khamiistii lasoo dhaafay ansixiyay xeerar dhawr ah oo ku jiray xeer-nidaamiyaha sharciga maareynta maaliyadda ee uu hantidhawrka Qaranka amray in sharcigaasi la joojiyo.

Hoos ka akhriso qoraalka uu soo saaray hantidhawrka Qaranka