Booliska UK oo bilaabay baaritaan ku aadan arrinta uu ka dhawaajiyay Mo Farah

Waxaa warbaahinta caalamka qabsaday muuqaal dukumintari ah oo laga sameeyay orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya balse haysta dhalashada dalka Britain Mo Farah, kaas oo sheegay in si sharci darro ah lagu geeyay dalkaas.

Dukumintariga oo lagu magacaabo “The Real Mo Farah” ayuu horyaalka ciyaaraha Olympic-da ku sharaxay qaabkii ay noloshiisa ahayd markii uu tagay dalkaasi UK oo uu sheegay in shaqaale guri laga dhigtay.

Booliska UK oo markii hore sheegay inay “qiimaynayaan” xaaladda ayaa hadda sheegay inay baaritaan billaabayaan islamarkaana ay baari doonaan sheegashada Mo Farah ee ku saabsan in qaab tahriibin ah lagu geliyay UK iyo in guri lagu adoonsaday.

Orodyahanka Mo Farah ayaa afar jeer ku guulaystay horyaalka Olympic-da, waxaana dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay warbaahinta caalamka ay hadal haysay isaga oo sheegay in magaciisa dhabta ah uusan ahayn Mo Farah.

Dhanka kale, lamaanaha lagu eedeeyay inay Mo Farah si sharci darro ah ku geeyeen dalka UK ayaa laga yaabaa inay wajahaan baaritaan uu ku sameeyo booliska dalkaasi, si ay su’aalo uga weydiiyaan arrintani uu ka dhawaajiyay Mo Farah.