Cumar Filish oo maanta booqday waddooyin ay xireen biyaha roobkii da’ay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday qaar kamid waddooyinka caasimadda oo uu biyaha dhigay roobkii da’ay 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa goobihii uu booqday waxaa ka socotay shaqa ballaaran oo ay howl wadeenada dowladda hoose ee Xamar biyaha uga saarayeen waddooyinka Muqdisho si dadka shacabka ah loogu fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo bulshada.

Goobaha uu kormeeray gudoomiye Cumar Filish ayaa waxaa kamid ahaa.

1- Wadada hormarta dugsiga tababarka ciidanka boliiska Soomaaliyeed ee Iskuul Poliziya.

2- Wadada 21-October

3- Warta KM-4 ee degmada Waabari

4- Wadada Buula Xubeey ee degmada Wadajir

Gudoomiye Cumar Filish ayaa maamulada degmooyinka gobolka Banaadir  faray in olola xoogan oo nadaafada iyo billicda lagu soo celinayo laga qabto wadooyinka caasimadda, waxa uu sidoo kale ugu baaqay bulshada inay garab istaagaan howl wadeenada dowlada hoose ee Xamar.

Si kastaba, roobabkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayey magaalada Muqdisho ayaa xiray qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee caasimadda oo ay dhigeen biyo farabadan, waxaana arrintaaas ay saameyn ku yeelatay gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo maraya waddooyin qardo-jeex oo dhex mara xaafaddaha degmooyinka gobolka Banaadir.