Faah-faahin:- Macalin dugsi Quraan oo xalay lagu dilay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa Macalin dugsi Quraan oo kooxo hubeysan habeenimadii xalay ku dishay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Macalinka la dilay oo lagu magacaabi jiray Macalin Nuur Maxamed Jimcaale ayaa sida la sheegay la dilay xilli uu kasoo baxay Masjid ku yaalla xaafadda Nageyle ee degmada Kaaraan.

Dilka macalinka ayaa waxaa aad uga naxay qoyskiisa iyo waalidiinta caruurta uu Quraanka bari jiray, wuxuuna Macalin Nuur uu aqrin jiray kutubo diini ah.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegayaa in markii ay dileen macalinka kadib ay ka qaateen mobeyl uu watay, iyagoona kadib goobta ka baxsaday.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay degmooyinka magaalada Muqdisho kusoo batay dilalka iyo dhaca loo geysanayo dadka rayidka ah, oo ay ka dambeeyaan kooxo burcad ah oo isticmaala hub kala duwan.