Madaxweyne Deni oo ka hadlay arrintii ka dhacday magaalada Boosaaso

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Den oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa ka hadlay dhacdadii maalmo kahor ka dhacday magaalada Boosaaso ee is hor-taaga loogu sameeyay diyaarad sidday guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in diyaaraddii siday guddoomiye Sacdiya Yaasiin ee dooneysay inay ku degto garoonka magaalada Boosaaso aysan jirin cid ka warheysay iyo dadkii saarnaa, islamarkaana ay aheyd diyaarad ay horey Puntland u mamnuucday.

Sidoo kale, wuxuu madaxweyne Deni caddeeyay inay ka xun yihiin dhacdadii ka dhacday Boosaaso, isagoona tacsi u diray dadkii ku dhintay iska hor-imaadkii dhexmaray ciidanka Puntland ee markii hore sababay is hor-taaga lagu sameeyay guddoomiye Sacdiya Yaasiin, wuxuuna caafimaad u rajeeyay inta dhaawacantay.

“Diyaaraddii Boosaaso timid wax bini aadam ah oo dowladda ah oo ka warqabay ma jirto, diyaaradaha noocaasi ah Puntland dani uguma jirto, tanna waxayba sii dheereyd inay hay’adahii maamulka ay khilaaf ku keento” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Deni

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa sheegay in arrinta dhacday aan loo baahneynin in mar kale dhacdo, islamarkaana tilmaamay in muhiim tahay in wixii gargaar ah ee loogu talo-galay in la gaarsiinayo dadka abaareysan lagu soo wargeliyo maamulka, lana illaaliyo kala dambeynta iyo dowladnimada.

Si kastaba ahaaatee, maamulka Puntland ayaa is hor-taag ku sameeyay diyaarad siday guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji xilli ay dooneysay inay ka degto garoonka diyaaradaha Boosaaso, isla markaana waday gargaar bani’aadanimo oo loogu talo-galay in la gaarsiiyo dadka abaareysan ee kunool gobolkaas.