Madaxweyne Xasan Sheekh oo heshiis rasmi ah la galay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan soo gaaray dalka Kenya ayaa halkaasi kullan kula yeeshay dhiggiisa dalkaasi Uhuru Kenyatta, iyagoona kullankooda uga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay heshiis meesha ka saaraya caqabadaha dhanka socdaalka ee ka dhashay mad-madowgii ku jiray xiirirka labada dal, waxaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ay fursad gaar ah u heleyaan fududeynta dal ku-galka Kenya, iyadoo lasoo celiyey duulimaadyada shirkadda Kenya Airways oo si joogta ah u imaan doonta dalka.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Uhuru ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad u heleyaan inay dalkaas u dhoofiyaan wax soo saarka kalluunka dalkeenna, waxaana la furayaa soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, taas oo qeyb ka ah fududeynta dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada ee labada dal.

Ugu dambeyn, labada madaxweyne ayaa si wadajir ah u go’aamiyey in guddiga wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) Soomaaliya iyo Kenya ay bisha Ogoosto ee sanadkan ku kulmi doonaan magaalada Muqdisho, si loo qaabeeyo iskaashiga hawlaha amniga, horumarinta beeraha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, tababarada iyo xal u helista dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.