Faah-faahin:- Ganacsade caan ah oo xalay lagu dilay duuleedka Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay duuleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan tabeelaha Sheekh Ibraahim ku dilay ganacsade caan ka ahaa deegaanka oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdi Faniinte.

Ninka ganacsadaha ahaa ee la dilay ayaa la sheegayaa inuu u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha kore ee jirkiisa, xilli uu ku sugnaa xaafad ka tirsan tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegayaa inay goobta isaga baxsadeen dilka kadib, waxaana goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa booliska iyo qaar kamid ah ehelada marxuumka oo goobta ka qaday meydka.

Illaa iyo haatan lama oga cidda sida rasmiga ah uga dambeysay dilka ninkaasi ganacsadaha ahaa, wuxuuna dilkaan qeyb ka yahay dilalka qorsheysan oo muddooyinkii ugu dambeysay kooxaha burcadda ah ay ka geysanayeeen magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, taliska booliska gobolka Banaadir ayaa dhawaan shaaciyay inay billaabeen howlgalo ka dhan ah kooxaha burcada ah iyo ciyaal weerada, kuwaas oo qal-qal geliyay ammaanka degmooyinka magaalada Muqdisho.