Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kullan kula yeeshay safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kullanka dhexmaray ra’iisul wasaare Xamse iyo safiir Kate Foster looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul wasaare Xamse iyo safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster ayaa isla gartay in la dardar-galiyo barnaamijyada horumarineed ee dowladda UK ka tageerto Soomaaliya ee dhinacyada gargaarka iyo amniga ah.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda UK ayaa kamid ah dowladdaha sida weyn u taageera dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna tababaro kala duwan siisaa ciidanka dowladda Soomaaliya, sidoo kalena ay mashaariic ka fulisaa qaar kamid ah maamul goboleedyada ka dhisan dalka.