Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Jabuuti, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti kusoo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan golaha wasiirada dalkaas, saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweyntiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti soo dhaweynta diiran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in booqashadan ay bilow wanaagsan u tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeeya labada shacab.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga xog warrami doonno xaaladda dalkeena iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta gobolka.