Faah-faahin:- Qarax aad u xoogan oo maanta ka dhacay magaalada Jowhar

Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta lagu weeraray hoteel Nuur Doob oo ku yaallo magaalada Jowhar, halkaas oo sida la sheegay ay degan yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Gaariga qaraxa loo adeegsaday oo ahaa nooca xamuulka qaadda ayaa sida la sheegay laga soo buuxiyay qalabka dhismaha iyo sidoo kale walxaha qarxa, wuxuuna ku qarxay afaafka hore ee hoteelka.

Qaraxaasi oo si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada Jowhar ayaa geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana sida la sheegay ku dhaawacmay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Qaraxaasi ayaa sidoo kale bur-bur u geystay dhismaha hoteelka iyo qaar ka mid ah guryaha ku dhaw hoteelkaasi oo ay dad shacab ah degan yihiin.

Si kastaba ah ahaatee, qaraxaan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee ka dhaca magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabelle.