Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo si kulul uga hadlay qaraxii ka dhacay magaalada Jowhar

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu weeraray Hoteel Nuur Doob oo ku yaalla magaalada Jowhar, halkaas oo ay degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Qoraal uu soo saaray ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayuu marka hore tacsi ugu diray guud ahaan shacabka magaalada Jowhar, isagoona sidoo kale qadka teleefanka kula xiriiray madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Xuseen Guudlaawe.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa madaxweyne Cali Guudlaawe ka xog-wareystay xaaladda iyo goobta uu qaraxu ka dhacay, oo ay ka muuqdaan burbur baaxad leh oo qaraxu gaarsiiyay dhismaha Hoteelka Nuur Doob iyo dhowr guryo oo ka agdhawaa hoteelkaas.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maamulka Hirshabelle u ballanqaaday inuu garab taagan yahay maamulka iyo shacabka gobolka, islamarkaana ay gacan ku siin doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay waxyeelladu soo gaartay oo isugu jira mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxaasi ismaadiinta oo geystay qasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur baaxad leh ayaa ahaa kii ugu xooganaa ee ka dhaca magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.