C/raxmaan C/shakuur oo kullan gaar ah la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha dalka C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta kullan gaar ah la yeeshay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Amb. Hassan Bin Hamza Hashem.

Labadaasi dhinac ayaa ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada ku yaalla gobolada Soomaaliya iyo sidii ay dalalka Khaliijka uga qeyb qaadan lahaayeen, gaar ahaan dowladda Qatar.

Amb. Hassan Bin Hamza ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay sidii ay u garab istaagi lahayd dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona dhinaca kale ballan qaaday in dowladda Qatar ay gacan weyn ka geysan doonto samatabixinta malaayiinta qof ee Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen.

Si kastaba ha ahaatee, kullanka labada dhinac ayaa kusoo beegmaya xilli gobolada dalka Soomaaliya ay ka jiraan abaartii ugu darneed ebed oo ay boqolaal qof ku xoolo beeleen islamarkaana ay jirto biyo la’aan iyo cunto yari baahsan oo lagu qiyaasay inay gaartay ku dhawaad illaa 7 milyan.