Taliyaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay

Taliyaha cusub ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore ee hay’addaasi Yaasiin Maxamuud C/laahi Fareey.

Munaasabadda xil wareejinta ah oo ka dhacday xarunta Hay’adda Nabad-sugidda ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb-galay ra’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Taliyeyaasha ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiin kale oo badan.

Taliyaha cusub ee Nabad-sugidda Mahad Maxamed Salaad ayaa markii uu xilka la wareegay kadib, loo dhaariyay xilkaasi, waxaana goobta lagu dhaariyay ka hadlay ra’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa taliyaha cusub kula dar-daarmay inuu si dastuuri ah u guto waajibaadka loo igmaday, islamarkaana uu dar-dar geliyo howlaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Taliye Mahad Maxamed Salaad ayaa ka dhigan inuu sidaasi ku waayay kursiga xubinimada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoona la filaayo in dhawaan booskii uu baneeyay lasoo buuxiyo.

Si kastaba ha ahaatee, taliyaha cusub ee hay’adda Nabad-sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa 5-tii sano lasoo dhaafay kamid ahaa xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale mucaaradka sida weyn uga soo horjeeday dowladdii uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.