Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta kala diray guddiyadii doorashada labada aqal ee baarlamaanka

Ra’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta soo saaray go’aan uu ku kala diray dhammaan guddiyadii kasoo shaqeeyay doorashooyinkii dadbanaa ee ka qabsoomay dalka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu kala diray dhammaan guddiyadii doorashooyinka heer federaal, heer dowlad goboleed iyo guddigii xallinta khilaafaadka, kuwaasi oo kasoo shaqeeyay doorashooyinkii xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa u mahad-celiyay guddiyaddii doorashada dadban, isagoona dhinaca kale ku boggaadiyay sidii wanaagsanayd oo ay u guteen waajibaadkoodii loo idmaday.

Hoos ka aqriso qoraalka uu soo saaray ra’iisul wasaare Rooble