Faah-faahin:- Weerar lagu qaaday saldhig ay ciidanka dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar culus xalay saqdii dhexe ku qaaday fariisin ay ciidamadda dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Weerarkaasi ayaa sida la sheegay ka dhacay Buundada yar ee degmada Afgooye, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoona labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dagaalkaasi ku geeriyooday, iyadoona labo kale ay ku dhaawacantay, sida ay dad goob-joogayaal ah u xaqiijiyeen warbaahinta.

Saraakiisha amniga iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Afgooye ayaan weli ka hadlin weerarkaasi, iyadoona Al-shabaab ay dhowr jeer oo hore weerar ceynkaan oo kale ah ku qaadeen saldhigyada ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaas.

Dhinaca kale, maamulka degmada Afgooye ayaa xilli kasta sheega inay adkeyn doonaan amniga guud ee degmadaasi, balse aysan jirin cid arrinkaasi wax ka qabatay.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda goobtii xalay lagu dagaalay ayaa saakay ah mid aad u degan, waxaana si caadi ah kusoo noqday isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee ka jiray degmada Afgooye.